Dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa dib usoo celinaya xiriirka labada dal oo xumaa tan iyo markii Masar uu xukunkeeda Milatarigu qabtay, oo halkaas lagu riday dowladdii Rayidka aheyd ee Xisbiga Ikhwaan Mulimiinka uu hoggaaminayay.
War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiye iyo Masar ayaa lagu sheegay in labada dal ay magacaabeen laba safiir oo ka shaqeyn doona dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dhinacyadaasi.
Turkiye ayaa u magacaabay Salih Mutlu Sen inuu noqdo safiirka dalkaasi u fadhin doona Masar,halkaDowladda Masar ay safiir u magacaabeen Amr Elhamamy,kaas oo ka howlgali doono Magaalada Ankara.




From the comments