Faahfaahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ka dhacay deegaanka Girileey ee goblka Jubbada hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Kenya ee ka tirsan ATMIS ay isaga baxeen saldhiggaas, waxaana halkaas ku sugnaa kuwa Jubbaland, ka hor inta aysan weerar kusoo qaadin Al-shabaab.
Wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in weerarka ay iska caabiyeen, isaga oo ka saaray meesha inuu jiro khasaare soo gaaray dhankooda marka laga reebo dhaawaca hal askari.




From the comments