Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ku qaabilay ra’iisal wasaaraha Sweden Ulf Kristersson, xilli Maraykanku uu ka shaqaynayo sidii Sweden ay ubiiri laheyd Ururka NATO oo ay ku jiraan dalal dhowr ah oo Mareykanka xulafo Milatari kala dhexeeyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulanka looga dalbaday inuu Turkiga ugu qancin lahaa inay meel mariyaan xubinimada Sweden ee NATO, ka hor kulanka ay gaashaanbuurta NATO ku yeelanayaan dalka Lithuania, toddobaadka soo socda, Turkiga ayaa hore u diiday dalabka Sweden.
Dowladda Turkiga ayaa siweyn uga carootay fal dhowaan dowladda Sweden muwaadinniteeda ay ku gubeen nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariima, xilligaas oo askar kamid ah Booliiska ay waardiyeynayeen shakhsiyaadka sameeyay arrintaas, waxaana ay noqotay mid dunidu ay siweyn u diiday.




From the comments