Taliska ciidanka milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM loo yaqaanno ayaa sheegay in saaka kolonyo milatari oo ay la socdaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ay la qaraxday walax qaraxda oo waddada dhinaceeda la dhigay.
Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Jubbaland AFRICOM waxay sheegtay inaan wax khasaare ah kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ah labadaba sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska.
” Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaan wax khasaare ah soo gaarin. Qorshayn fiican, tababar heersare ah, iyo qalab sare ayaa siiya ciidamadeena iyo faa’iido wayn oo ay ka helaan argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamkan Africom.




From the comments