Goobjoog

Howlgalka ATMIS oo Sheegay Iney Dileen Xubno Ka Tirsan Al-shabaab

Ciidamada howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ATMIS ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose,gaar ahaan magaalada Baladul-Amiin ayaa sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab. Sarkaal u hadlay ciidanka ayaa xusay …

Howlgalka ATMIS oo Sheegay Iney Dileen Xubno Ka Tirsan Al-shabaab

Ciidamada howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika  ATMIS ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose,gaar ahaan magaalada Baladul-Amiin ayaa sheegay iney dileen xubno ka tirsan  Al-shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidanka ayaa xusay  in xubnahaan ay  doonaayey in ay  weerarro gaadmo ah  ay ka fuliyaan halkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalka ayaa sidoo kale  intaas raaciyay in ay gacanta ku dhigeen hub ay wateen xubnaha la dilay oo uu sheegay iney ahaayeen laba qori.

Deegaanka Beledul-Amiin waa dhul beereed ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, waxayna 82 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan tahay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments