Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Jubbaland?
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay howlgalada dalka lagu xoraynayo, dardar galinta mashaariicda socda iyo qodobo kale oo kamid ah Jubbaland
Golaha ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo xooga dalka kuwaas oo muddooyinkii dambe howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka waday deegaanno kamid ah gobolka Jubbada hoose, iyaga oo maanta la wareegay deegaanka Xagar.
Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay dardar galinta mashariicda Dowlada ee Hada socda sidii qiimayn buuxda loogu samayn lahaa isla markana loo hubin lahaa gaba gabada inay u fuleen sidii loogu tala galay iyo bilowga mashariicda Cusub sidii ay u noqon lahayeen Kuwo taabo gala.
Golahu waxaa kale oo uu ka hadlay sidii mashariicda kala duwan ee Dowlada loo gaarsiin lahaa gobolka Gedo isla markana bulshada deegaanka ay u heli lahayeen adeegyada kala duwan iyo shaqada laamaha kala duwan ee Dowladu ay bulshada u hayaan.
Goobjoog News