U bood dhigaalka

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Ka Warbixiyay Baaris Lagu Sameeyay Xubnood Musuq Lagu Eedeeyay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo afartan ruux oo ku eeddeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida ah Warbaahinta Qaranka ogaatay.

Afartanka Ruux ee Baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato Baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.

Hadalka kasoo baxay Xeer ilaalinta ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan la shaaciyay liiska 18 xubnood, kuwaas oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta wax isdabamarin iyo lunsashada hanti dadweyne, xubnahaas ayaa 9 kamid ah xabsi la dhigay halka kuwa kalena lagu raadjoogo.

Goobjoog News