Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka Iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto ururkaasi.
Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen mas’uuliyiin kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaargarowga dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.
Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee urur gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin.




From the comments