Dowladda Sweden ayaa waxaa loo ogolaaday in ay xubin ka noqoto Ururka Gaashaanbuurta NATO, iyadoo muddo dadaal ugu jirtay sidii ay u heli laheyd xubinnimada Ururka, walow ay jirtay diidmo ay ka muujinaysay dowladda Turkiga, wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn ay aqbashay.
Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa sheegay Isniintii in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ogoladay inuu “sida ugu dhakhsaha badan” ugu gudbiyo golaha baarlamaanka ee dalkiisa xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqayn doono, in golaha baarlamaanku meelmariyo codsigaas.
Xoghayaha NATO ayaa hadalkan sheegay, ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Sweden, ka hor kulanka isbahaysiga NATO uu ku yeelanayo Lithuania, Turkiga ayaa Sweden codkiisa diidmada ah u dul dhigay kadib markii uu sheegay in aysan awoodin bixinta dhaqaalaha ururka.




From the comments