Guddigii Agaasinka Todobaadka Xoriyadda oo Muqdisho Munaasabad Loogu Qabtay+Sawirro
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday xarunta degmada Yaaqshiid oo loogu mahadcelinayay guddiyadii kala gedisnaa ee Heer Federaal, Gobolka Banaadir iyo Hey’addaha Amniga ee ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalka Soomaaliya ee 26 june iyo 1-da Luulyo.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye( Yabooh) iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda ka dhacday degmada Yaaqshiid.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo guddiyadii loo xilsaaray abaabulka iyo qabsoomidda toddobaadka Xorriyadda ee 26 june iyo 1-da Luulyo, sidii wanaagsaneyd ee ay u agaasimeen xuskii maalmaha xorriyadda iyo maalmihii ciidul Adxa oo todobaadka u lamaansanaa sidoo kale intii lagu guda jiray todobaadka Xoriyadda.
Ra’iisulwasaarea Xamse ayaa halkaasi shahaado Sharaf ku guddoonsiiyay xubnaha Guddiyadda iyo Hey’addaha ka shaqeeyay Xuska 63 guurada kasoo wareegatay xorriyadda dalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale halkaasi Koob lagu guddoonsiiyay Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar oo iyadu ku guuleesatay Koobka Xorriyadda dalka, kadib markii ay ka guuleysteen Naadiga Kubadda Cagta ee Horseed.
Goobjoog News