Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Gaariga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya .
Iska hor imaadkan ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo kooxda Al-shabaab oo marar badan weeraro ka fuliyay gudaha Kenya
iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay kolanyo ka tirsan ciidanka Kenya ku qaadeen weerar jidgal ah oo qarax ku bilaawday, xili ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanada Calin Jugur iyo Weel mareer oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Gaarisa.




From the comments