Ganacsatada Soomaalida ah ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan mudaaharaadyada uu ku dhawaaqay hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaridka dalkaasi ee Azimio ee uu hogaamiyo Raila Odinga.
Soomaalida ganasatada ayaa ugu baaqay , Dowladda in ciidamo fara badan ay geyso xaafada islii gaar ahaan suuqyada waawayn ee ay ku ganacsanayaan dadka Soomaaliyeed.
Mucaaradka oo iclaamiyay in Arbaco weliba dibadbax ay dhigayaan ayay Ganacsatadu sheegeen in cabsi ay ka qabaan in saameyn dhanka dhaqaalaha ah ay ku yeeshaan rabashadaha Waxa ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan boob iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto nafta & hantida Dadka Ganacsatada ah sidaas awgeed Dowladda ay ka sugayaan in ay aqbasho dalabkooda la xiriira in ay ciidamo geyso Goobaha Ganacsiga.




From the comments