U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga ee dhaxeeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxdii hore iyo siyaasiyaanta saamileyda ah.

Kulanka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa maanta ku biiray Ra’iisulwasaare Xamse iyo labada guddoomiye ee golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ahaa shirkii ugu horeysay oo nuucaan ah oo dhexmara madaxweyne talada haya iyo xubnaha mucaaradka ah, taas ayaana lagu amaanay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Goobjoog News