Goobjoog

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kormeeray Xafiisyada Guddiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS. Guddoomiyaha ayaa u kuur galay…

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kormeeray Xafiisyada Guddiyada Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS.
Guddoomiyaha ayaa u kuur galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada. Waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiirageliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada.
Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda. Guddiyadda maanta sida gaar ah u kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.
Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments