Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Bisha December ee sanadka dambe uu dalka ka baxayo askariga ugu dambeeya Ciidanka ATMIS, xilli bishii hore ay bilaabeen in ay baxaan qaar ka tirsan ciidanka ATMIS, kuwaas oo baneeyay dhowr saldhig oo lagu wareejiyay SNA.
La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin oo ka qeybgalaya Barnaamijka Dood ah oo kabaxayay
Twitter space ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sida qorshuhu yahay Saddexda kun ee ugu dambeysa ciidanka ATMIS ay dalka isaga bixi doonaan 30-December ee sanadka dambe sida uu heshiiska ahaa
La taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in kabixitaanka ATMIS dowladda ay u diyaar garowda sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga,waxa uu tilmaamay in dowladda sidoo kale ay gaba gabo marsiineyso howlgalka ka dhanka ah khawaarijta dhawaan uu billaaban doono wajiga labaad si Argagixisada degaannada fara ku tirska ah ee ay ku dhuumaleysanyaan looga saari lahaa.




From the comments