U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku Wajahan Galmudug iyo Ujeedka Safkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku wajahan gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, warar kale duwan ayaa kasoo baxaya safarka madaxweynaha ee deegaannada Galmudug.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa uu daaran yahay bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab ee laga bilaabayo Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana dhowaan gobolka dowladdu ay geysay ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku wajahan Ceelbuur, Wabxo iyo Galhareeri.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu saldhigan doono magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlgallada laga fulinayo Galmudug, waxaana jirta in sidoo kale uu safar ku tagi doono magaalooyinka laga saaray Al-shabab ee  Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan Ceeldheer iyo Xarardheere.

Magaalooyinka Galcad, Ceeldheer  oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa ciidanka xoogga dalku ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, walow sidoo kale ay jiraan ciidamo ka tirsan Kumaandooska oo ku sugan deegaanka lagu magaacabo Budbud, ciidankaan ayaa ku wajahan magoolooyinka ay ka maqan gacanta dowladda.

Saraakiil Sare oo xoogga dalka ah ayaa laga soo xigtay in uu soo dhammaaday diyaar garowga ciidan, iyaga oo sheegay duulaankooda koowaad uu ku wajahan yahay deegaannada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka Ceelbuur, Wabxo iyo Galgareeri oo ay Al-shabaab maamulaan.

Ciidanka dowladda ayaa waxaa taageeraya ciidan ka tirsan Africom, kuwaas oo saldhig ka sameystay deegaanka Galcad, halkaas oo ciidamadii ugu badnaa ay geysay dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay, kadib tabarro ay kusoo qaateen dalalka Masar, Uganda iyo Eritrea.

Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa laga fulin doonaa deegaanno ka tirsan Galbeedka gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle, sida dhowaan warbaahita uu ka horsheegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow.

Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federalka ay sheegtay in Wajiga labaad uu noqon doono mid ka baaxad weyn wajigii hore, waxaana wajigaan qeyb ka noqon doona ciidamo ka soocda dowladaha safka hore, kuwaas oo taageeri doona ciidanka dowladda, xilli hoos loo dhigay doorka ciidanka deegaanka.

Goobjoog News