U bood dhigaalka

Magaalada Baydho oo Go’doon Gashay iyo Walaac Laga Muujinayo Saameyntiisa

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in laga dareemayo sicir barar baahsan, kadib magaalada ay go’doomiyeen Al-shabaab, shacabka ayey si weyn saameyn u yeelatay arriintaan kusoo korortay Baydhabo.

Go’doominta Al-shabaab ay saareen magaalada ayaa waxaa ay keentay in ay adkaadaan in ay tagaan gacansiyadii ka bixi jiray Muqdisho ee gaari jiray, waxaana deegaanno ka tirsan gobolka Baay ku go’doonsan gaadiid badan oo siday shixnado kale duwan oo u socday magaalada Baydhabo.

Al-shabaab ayaa go’doon saartay Baydhabo, kadib markii maamulka Koonfur Galbeed oo xabsiga dhigay dhowr maamulayaal Iskuul kuwaas oo ajiibay in ay u tagaan Al-shabaab oo ka dalbatay in ay bixiyaan lacago, waxaana markii ay soo laabteen xabsiga dhigay ciidanka maamulka.

Majiro wax war ah oo ku aadan arrintaan oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ku aadan xaaladda kusoo korortay magaalada Baydhabo iyo go’doonka la saaray, arrintaan ayaa saameyn badan ku yeelatay bulshada kuwooda danta yar ee ku nool Baydhabo.

Xubnaha Mucaaradka Koonfur Galbeed oo shir’jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka taagan magaalada Baydhabo, waxaana ay ugu baaqeen dowladda federalka in ay wax ka qabato arrintaan oo loo gurmado bulshada ku nool magaalada oo la go’doomiyay.

Magaalada Baydhabo go’doonka ay saareen Al-shabaab ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Xudur oo ka tirsan gobolka Bokool ay hore u go’doomiyeen Al-shabaab muddo dhowr iyo toban sano ah, taas oo keentay in magaalada uu ka dilaaco sicir barar baahsan oo bulshada saameeyay.

Goobjoog News