Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Gaaray Bariga Galgaduud iyo Dhaqdhaqaaqyo Ka Socda
Sheeko:Arrimaha Amniga
Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ku jira diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab.
Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada ay ka wadaan bariga gobolka Galgaduud ee Galmudug.
Taliyaha ayaa Ciidanka ku amaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey, waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ciidanka xoogga dalka ay ka bilaabi doonaan deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Goobjoog News