U bood dhigaalka

Dowladda Federalka oo Ciidamo Hor Leh Geysay Hirshabeelle iyo Galmudug

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah ay geysay degaanno ka tirsan degmooyinka Cadalle iyo Ceeldheer ee Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo deegananada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminaya howlgaladan ayaa sheegay in ujeedka duulaankan uu yahay sidii dowladda ay ugu adkaan lahayd Al- Shabaab oo hore laga saaray meelo badan oo dalka ah, waxaana ciidanka dowladdu ay ku wajahan yihiin deegaannada ka maqan gacanta dowladda.

Ciidankan ayaa sidoo kale qayb ka ah howlgalka wajiga labaad ee ka bilaaban doona goobaha wali ay ku harsan yihiin Al- Shabaab sida ay ku warameen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan magaalooyin dhaca bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo oo Galgaduud ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku wajahan gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, warar kale duwan ayaa kasoo baxaya safarka madaxweynaha ee deegaannada Galmudug.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa uu daaran yahay bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab ee laga bilaabayo Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana dhowaan gobolka dowladdu ay geysay ciidamadii ugu badnaa ee ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku wajahan Ceelbuur, Wabxo iyo Galhareeri.

Dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa waxaa si iskumid ah uga socda dhaqdhaqaaqyo ciidan, kuwaas oo hordhac u ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo taageeraya ciidanka xoogga dalka.

Goobjoog News