Ciidanka Xoogga oo Ka Warbixiyay Howlgal Laga Fuliyay Gobolka Galgaduud
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ciidanka xoogga dalka ayaa saakay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.
Hawlgalka ay ciidanku sameeyeen ayaa waxaa ayey ku beegsadeen goob la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirasan Al-shabaab, iyaga oo sheegay in ay wadeen is uruursi.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaan ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday lagu dilay ku dhowaad 30 ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale ay Hub kula wareegeen goobta.
Ciidamada Xoogga ayaa dhanka kale howlka sheegay in lagu burburiyay saldhig ay la haayeen Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cabdullaahi.
Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii dambe ciidamadii ugu badnaa waxaa geysay gobollaha Galgaduud iyo Shabeellaha dhaxe, waxaana labada gobol ka socda dhaqdhaqaqyo ciidanku ay wadaan.
Goobjoog News