Waxaa heshiis hordhac ah laga gaaray colaado ka jiray qeybo kamid ah gobolka Sh abeellaha dhaxe, halkaas oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah oo gobolka wada dega, heeshiiska hor dhaca ah ee la gaaray garwadeen waxaa ka ahaa madaxweyne hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Colaadahaan ayaa mudo todobaad ka jirtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Raage-Ceelle iyo Cadale, oo uu ku waxaa ku baxay madaxweynihii hore ee dalka sheekh shariif sheekh Axmed, waxaana lagu guuleystay in labada ciidanka la kala qaado ee isku- hor fadhiyay.
Dagaalka udhaxeeyay beelaha walaalaha ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro baaxad leh oo naf iyo maalba isugu jira, Guriyo ku yaallay deegaannada dirirtu ay ka dhacday ayaa lasoo wariyay in dab laqabadsiiyay, iyadoo sidoo kale lagubay gaadiid sida ay wararku sheegayaan.




From the comments