Ciidamada xoogga dalka ayaa saacadihii ugu dambeeyay howlgallo ka bilaabay deegaanno hoos yimaada Galcad oo ka tirsan gonbolka Galgaduud, ciidanka ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyay ay ugu jiraan iney ay ku gaari lahaayeen degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoose yimaada.
Ciidanka ayaa howlgalkii ugu dabeeyay ka fuliyay deegaanka Baraag Shiikh Caamir oo hoostimaada degamda Galcad ee gobolka Galgaduud, howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay ciidanka Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor oo hoggaaminaayay Kornayl Bashiir Cabdullahi Cumar.
Taliska xoogga dalka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu soo dhammaaday diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana talisku cadeeyay in ay u dhaqaaqayaan gaaritaanka deegaannada hoosyimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.




From the comments