Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay shir looga hadlayay dib u xoreynta deegaannada ka maqan gacanta maamulka, waxaana kasoo ay qeyb galeen mas’uuliyiin dowladeed, waxgarad iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab, kuwaas oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, dowladduna ay wado guluf ka dhan ah sidii lagu qaban lahaa degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoos yimaada.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan duleedka magaalada Gurceel lagu uruuriyay ciidamo ka 300 oo kuwa deegaanka ah, kuwaas oo la sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka dowaladda ay ku qaadeyso deegaannada Galmudug ay kag sugan yihiin Al-shabaab ee Bariga.




From the comments