Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaainaayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka magaalada Dhuusamareeb, waxaana qeyb ka ahaa xubno dowladda ah wafdiga.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, madaxweyne ku-xigeenka maamulaka Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Galmudug iyo qeybaha bulshada caasimadda ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka Ugaas Nuur ee duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Galgaduud.
Safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusamreeb ayaa waxaa uu daaran yahay hoggaaminta howlkagal lagu xoreynayo baroga goolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii u dambeysay dowladdu ay waday diyaar garowga sidiii Al-shabaab looga saari lahaa magaalooyinka Ceelbuur, Waxbo, Diri, Galhareeri iyo deegaannada kale.











Goobjoog News

From the comments