Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 xubnood oo lagu eedeeyay in basaasiin ay u ahaayeen Al-shabaab ,
Xubnahaan ayaa hey’addu sheegtay in ay ku dhex jireen laamaha kale duwan ee amniga ka shaqeeya, waxaana muddo ay hey’addu ku heysay baaritaanno kale duwan, sida uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay wasiirka Warfaafinta xukuumadda federalka Soomaaliya.
Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in kuwa kale oo ay kamid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku war-galiyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.




From the comments