U bood dhigaalka

Saraakiil Ku Shirtay Galgaduud oo Soo Saartay Amarro Ku Socota Shacabka

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad ee Bariga gobolka, waxa ay soo saareen amarRo ku socda shacabka ku sugan deegaannada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay dagan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka.
Kulankaan oo uu shir gudoominayay taliyaha Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cumar Cabdullahi ayna goobjoog ka ahaayeen taliye ururada Kumaandooska Gorgor, Danab iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka deegaanka ayaa waxa kasoo baxay.
1-in aysan la macaamilin Al-shabaab shacabka si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada iyo howlgallada  lagu bartilmaameed sanayo.
2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha ay joogaan si ay uga nabad galaan Duqeeymaha iyo dagaalada
4-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Al-shbaab iyadoo la qarinayo xogtooda.
5-Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo ha u diyaar garoobaan in ay u qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Shirkaan ayaa imaanayo xilli gobolka Galgaduud ay ka socdaan qabanqaabadii ugu dambeysay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana gobolka gaaray ciidankii ugu badnaa oo ka kooban guutooyin kale duwan, kuwaas oo kale tirsan xoogga dalka.
Goobjoog News