U bood dhigaalka

Ciidamada Mareykanka iyo Kuwa Kenya oo Fuliyay Howlgal Wadajir ah

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyay deegaannada dhaca xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, howlgalkaan ayaa ahaa mid ka dhan ah Al-shabaab oo muddooyinkii dambe weerarka ka geysanayay dhanka xadka.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegtay in howlgalkan uu  ahaa mid looga hortegayay weerarrada ay ka geystan  Al-Shabaab deegaannada ku teedsan xadka, iyadoo si gaar ah looga sameeyay deegaannad dhaca dhanka xeebta Lamu oo dheer jeer weerarro ay ka dhaceen.

Howlgalkan wadajirka ah ee ay sameeyeen milatariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee Africom ee taageera Kenya iyo ciidamada dalkaasi ayaa waxaa ka horreeyay dhoolatus milatari oo ay wadajir u sameeyeen ciidanka, kaas oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha dagaalka.

Mareykanka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamadiisa iyo kuwa Kenya , waxaana uu imaanayaa howlgalkaan xilli Mareykanku uu howlgallo ka wado gudaha dalka Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Todobaadyadii ugu dambeeyay Al-shabaab ay weerareen gudaha Kenya, waxaana weerarradaas lagu dilay muwaadiniin dalkaas u dhashay, halka kuwa kalena la qafaalay, kuwas oo lala soo aaday dhunaca Soomaaliya.

Goobjoog News