Meydadka 23 qof oo muslimiinta Rohingya ah oo ka baxsanayay gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ayaa la soo saaray, kaddib markii ay la degtay dooni yar oo ay la socdeen.
30 kale ayaa wali la la’yahay, halka 8 qofna lagu soo waramayo in ay ka badbaadeen shilkaasi,waxaana dadka rakaabka ah ee la socday doontaasi ay ahaayeen dhowr iyo konton qof.
Dadkaasi muslimiinta ah ee ka soo jeeda Mayanmaar ayaa la sheegay in ay ku socdeen Maleesiya.iyagoo ka ka baxsanaya cadaadiska Myanmar iyo xeryaha qaxootiga ee Bangladesh.




From the comments