U bood dhigaalka

Ciidamo Deegaanka ah oo la gu soo Bandhigay Magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu soo bandhigay ciidan ka badan 1000 askari iyo gaadiid dagaal oo aad u badan kuwaas oo dadka deegaanku ay u diyaariyeen ka qeyb qaadashada dhammeystirka wajiga 1aad dagaalka looga xoreynayo deegaanada ay Galmudug.

Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa ka qeyb galay Munaasabadda lagu soo bandhigay Ciidanka iyaga oo ku dhiirri galiyay sida ay ugu diyaar garoobeen dagaalka dowladdu qorsheysay in laga fuliyo maamulka Galmudug.

Ciidankaan lasoo bandhigay ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhowaan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah, kuwaas oo la sheegay in ay taageeri doonaan ciidanka xoogga dalka ee ku wajahan Ceelbuur iyo deegaannada kale.