Ciidanka Dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa gudaha u galay degmada Ruun-nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab oo dhaca xadka gobolka Shabeellaha dhexe uu la leeyahay gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowaan ciidanka dowladdu ay isaga soo baxeen.
Ciidanka huwanta ah ayaa magaalooyinkaan waxaa ay ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, ciidankaan gudaha u galay magaalooyinkaan ayaa dhowaan waxaa ay ka ambabaxeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo lagu soo tababaray Eretria.
Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegaannada dhaca xadka uu la wadaago gobolka Galgaduud, ayaa waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidanka dowladdu ay ku doonayaan in ay kula wareegaan goobaha Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin deegaannada Hirshabeelle.




From the comments