Muwaadiniinta iyo shaqaalaha samatabbixinta xirfadlayaasha ah ayaa sameeyay hawlgal samatabbixin ah ka dib dhacdada Jimcihii dalka Naigeria, kadib markii uu dumay Masaajid, xilli uu da’ayey Roob xooggan sida Booliisku shaaciyay.
Abaaro 8:30 habeenimo ayaa aaska dadkii ku dhintay burburka dhismahan lagu cibaadeysto kadib roobabka mahiigaanka ah ee ka socda qaybo kamida dalkaasi, waxaana jira khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Afhayeenka Boqortooyada Zazzau, Mallam Abdullahi Aliyu Qwarbai ayaa BBC u xaqiijiyay in siddeed qof la aasay, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen” Dadka dhintay waxaa ka mid ah qof indhoole ah iyo ilmo yar,” ayuu yiri Kwarbai.




From the comments