Taliye ku xigeenka Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka General Cabdullaahi Aadan Xuseen,Taliyaha Cusub ee Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdi Salaad Cali iyo Taliyihii hore ee Qeybta 21-aad Generaal Hassan Jaamici ayaa Kormeer waxa ay ku mareen Saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Magaaloyinka Wisil iyo Baxdo oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Saraakiishaan ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ku dhiiragaliyey u diyaar garowga soo Afjarida wajiga koowaad oo dowladdu sheegtay in laga fulinayo deegaanka dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalooyinka dhaca bariga gobolka oo ciidanku ay ka wadaan abaabul ku aadan sidii ay ula wareegi lahaayeen magaalooyin dhaca maamulkaas oo Al-shabaab ay ku sugan yihiin.
Ciidamada dowladda oodhowr jiho ka kala baxay ayaa u dhaqaaqay bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka Ceelbuur, Wabxo, Galhareeri iyo deegaanno hoos taga oo ka tirsan gobolka, waxaana xusid mudan in Galmudug maalmihii ugu dambeeyay ay gaareen Ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyay howlgalka lagu xoreynayo deegaanno ka tirsan Galmudug.




From the comments