Dab xooggan oo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ka socday Keymaha caanka ah Maui ee gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka ayaa geystay khasaare xooggan, waxaana soo baxaya khasaare nafeed ee ka dhashay Dabka, sida laga soo xigtay Booliiska iyo waaxda gurmadka iyo samatabixinta.
Tirada dhimashada dadka ayaa gaartay 89 qof Sabtidii, taas oo ka dhigaysa dabkii ugu dhimashada badnaa Maraykanka muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda, xilli ay jiraan dhaawacyo culusul oo xaalad adag ku jira sida laga soo xigtay dowladda.
Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaalla, iyada oo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday, dabka ayaa ka kacay kadib kulka cimilada oo aad u kordhay maalmihii dambe Mareykanka, xilligaan oo lagu jiro waqtiga xagaaga oo kul badan uu jiro.




From the comments