Dagaalka Sudan oo Dib u Qarxay, Xilli Qaramada Midoobey Walaac ay Muujineyso
Dagaalka u dhaxeeya Milatariga Suudaan iyo xoogagga mucaaradka ah ayaa mar kale dib uga qarxay dalkaasi, waxaana lasoo warinayaa in la maqlayo duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ay Milatarigu leeyihiin qeybaha Koonfureed ee dalkaasi.
Sida lagasoo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaal ayaa Axaddii ka qarxay magaalada Nyala ee galbeedka Suudaan iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Koonfurta Darfur, goobjoogayaal ayaa sidaasi ub sheegay wakaaladda wararka Reuters.
Dagalka dabadheeraaday ee Suudaan ayaa laga cabsi qabaa in uu gobolka oo dhan ku baaho, waxaana jira walaac xooggan ay Qaramada Midoobey ay ka muujinayso arrintaas, xilli ay dhawaan sheegtay in Malaayiin reer Sudaan ah ay Gurmad u baahan yihiin.
Colaadda ayaa keentay dagaallo maalinle ah oo ka dhaca waddooyinka caasimadda Khartoum, dib u soo nooleynta weerarrada qowmiyadaha ku saleysan ee Galbeedka Darfur, iyo barakaca in ka badan 4 milyan oo qof oo ku nool Suudaan iyo xudduudaha ay wadaagaan Chad, Masar, Koonfur Sudan iyo dalal kale.
Iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdega ah ayaa xilliyada qaar ka dhacayay Nyala, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka isla markaana xarun istiraatiiji u ah gobolka jilicsan ee Darfur.
Iska horimaadkii ugu dambeeyay ayaa socday saddex maalmood, iyadoo ciidamada milatariga dalka iyo kuwa RSF ay madaafiic ku ridayeen xaafado la deggan yahay, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Dagaalada ayaa waxa ay waxyeelo gaarsiiyeen Korontada,Biyaha iyo Isgaarsiinta.
Ugu yaraan siddeed qof ayaa la dilay Sabtidii oo keliya, sida uu sheegay Ururka Qareennada Darfur, oo ah kormeeraha xuquuqda aadanaha ee qaranka, gobolkaan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa qulqulatooyin baahsan.