U bood dhigaalka

Hawlgalka Dib-u-Xoreynta Dalka oo ka Bilowday Galmudug iyo Hirshabeelle

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa hawlgallo baaxad leh ka bilaabay deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo looga golleeyahay sidii lagu gaari lahaa degmooyinka dhaca bariga Galgaduud iyo sidoo kale Galbeedka gobolka Hiiraan ee dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa waxaa ay ku daabushay gobollada Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo daris ah, waxaana u jeedka ciidankaan lagu sheegay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolladaan oo lagu daray  deegaanno kamid ah gobolka Mudug.

Ciidanka ayaa hawlgalkooda ugu adag waxaa ay diiradda koowaad ay saarayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa magaalooyinka qadiimiga ah ee dhaca bariga Galgaduud, kuwaas oo muddo 15-kii sano ah Al-shabaab ay hestaan gaar ahaan magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri, Wabxo , magaalada Diri iyo sidoo kale Waqooyiga iyo Mudug ah.

Hawlgalka lagu baritaarayo magaalooyinkaan aan soo xusnay ayaa waxaa hawlgalkooda hoggaaminaya, taliyihii hore ee Danab Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin oo ah taliya  Guutada 26-aad ee Cali Bin Abi Daalib, kuwaas oo taageero ka helaya Kumaandooska Danab iyo Gorgor iyo diyaaradaha Beylaqdaar iyo kuwa Mareykanka intaba.

Ciidamada xoogga dalka qeybihiisa ayaa magaalooyinka Bariga ka weeraray sedex jiho oo kale duwan, ciidan ka baxay magaalada Guriceel oo kuwa deegaanka ay la socdaan, ciidamo ka baxay Dhuusamareeb, kuwaas oo ka gudbay deegaanka Budbud iyo ciidamo kale oo ka dhaqaaqay degmada Maxaas oo u jiheystay degmada Wabxo.

Ciidamadaan ayaa la sheegayaa in ay ku faafeen deenno badan, waxaana ay ku guuleysteen in wadooyinka gala magaalooyinka lagu wajahan yahay  ay ka sareen miinooyin badan oo ay galiyeen Al-shabaab sida ay wararku sheegayaan, waxaana muuqata in cabsi laga qabo in lagu dagaalamo deegaannada qaarkood ee dhaca Galgaduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhowaan soo saartay digniino ku socda shacabka degan deegaannada lagu duulay, waxaana loogu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha la duqeynayo, xilli ay jiraan in shacabka Al-shabaab ku amrayaan in ay ka qeyb galaan dagaallada kusoo wajahan magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri, Wabxo iyo Diri

Ciidamada huwanta ah  ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay hawlgallo ka bilaabaan deegaanno ay ka mid yihiin Qeycad, Xiindheere iyo Caad, Camaara iyo Shabeellow oo Mudug ah, deegaannadaas gacanta ugu jira Al-shabaab, halka sidoo kale ay ciidanku abaabul ay ka wadaan deegaanno hoosta degmada Xarardheexe ee gobolka Mudug.

Hawlgalladaan ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb ka hoggaaminaya madaxweyanaha Jamhuuriyadda iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada oo ku sugan halkaas, hawlgalka Galmudug ayaa u muuqda inuu yahay in madaxda heer federalka iyo heer gobolka aysan u kala harin, waa mid ka baaxad weyn kii hore siduu madaxweynu sheegay.