Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayuu ku faray hay’adaha dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qayb-qaataan halganka socda ee dalka looga sifeynayo Al-Shabaab.
Golaha ayaa warbixin ku saabsan howlgallada socda ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S. Guuto Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo tilmaamay in uu socdo dagaal Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyey go’aanka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaarey in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka socda.




From the comments