Koox Hubeysan oo Weerar Khasaare Dhaliyey ku Qaaday Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga
ANKARA – Labo askari oo ka tirsan booliska Turkiga ayaa ku dhaawacmay weerar culus oo rag hubeysan ay ku qaadeen meel kudhow dhismaha xarunta wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Cali Yerlikaya ayaa sheegay maanta oo Axad ah in labo argagixiso ah oo waxyaalaha qarxa isku soo xiray ay weerar ku soo qaadeen afaafka hore ee dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Ankara, isagoo intaa ku daray in mid ka mid ah raga weerar geystay uu ku dhintay qaraxa, halka kan kale na uu kudhaawcamay rasaas ay huwiyeen ciidamada amaanka oo goobta ka dhawaa.
Warbaahinta Turkiga ayaa goor sii horeysay sheegtay in qarax laga maqlay agagaarka xarunta baarlamaanka iyo dhismayaal wasaaradeed, waxaana warbaahintu ay soo bandhigeen muuqaalo muujiyana dhismayaal burbursan oo daadsan waddo ku dhow wasaaradda arrimaha gudaha.
Sida warbaahinta tabisay, Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka, Mana cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay iyadoo aaney jirin cid sheegatay illaa hadda.
Muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya askar, ambalaasyo, baabuurta dab damiska iyo baabuur gaashaaman oo isugu soo uruuray meel u dhow bartamaha caasimadda Turkiga, halkaasoo boolisku ay xireen dhowr waddo oo u dhow.