Duqeymaha diyaaradaha Ruushka ay ka fuliyeen ee gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine habeenimadii xalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof lix kalana waa ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan laba carruur ah, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Oleksandr Prokudin.
Kyiv ayaa sheegay in Moscow ay qaaday ugu yaraan 10 gantaal iyo 89 weerar oo cirka ah oo ka dhacay Ukraine maalintii la soo dhaafay. Taas ayaa keenta in Ruushka uu la kulmo eedeynmo ku aadan dambi dagaal, sida dhwaan laga soo gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin.
Warbin lasoo saaray ayaa lagu sheegay iney jiraan warbixinno ku saabsan adeegsiga gantaallada S-300 oo noqday kuwo soo noqnoqda dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, waxaana inta badan loo adeegsaday dhulka ay degan yihiin dadka rayidka oo waxyeello sababay.




From the comments