Xilli wadamada Afrika qaarkood siweyn looga hadal haayay in wadamo dhowr ah oo aan Muslimiin aheyn ay dhaqan galinayaan sharci ahaanshiyaha dadka isku jinsiga ee isku galmooda, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowaan madaxweynaha Uganda uu ku gacan seeray markii la hor keenay.
Maxkamadda dastuuriga ee dalka Uganda ayaa bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah sharciga dadka isku jiinsiga ee isu galmooda oo laga dhaqan galiyay dalkaas, bishii May ee sanadkan, kadib markii uu saxiixay madaxweyne Yoweri Museveni.
Sharcigaas ayaa ciqaab adag ku soo rogaya dadka isku jiinsiga ee wax iska doona, waxaana kamid ah in qofkaas lagu fuliyo xukun dil ah. Waxaana kaba sii daran hadii qofku galmo ku qasbo carruurta iyo dadka nugul, inuu marayo wadadaas dilka ah.




From the comments