Qaramada Midoobay ayaa ka digeysa dhibaatooyin caafimaad iyo macluul daran oo ka dillaaci karta waddanka South Sudan oo xilli ay sidoo kale dhici karto in xaaladda dalkaasi ay uga sii darto duufaanta El Niño, oo ah cimilo wadata kuley iyo roobab xad-dhaaf ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 6.3 milyan oo dadka South Sudan ah ay la il-daran yihiin gaajo aad u daran, iyada oo in ka badan 9 milyan oo ka mid ah dadka dalkaas oo 12 milyan ah ay ku tiirsanaan doonaan gargaar bani’aadannimo.
Qoraal kasoo baxay hey’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa lagu sheegay in abaaraha iyo gaajada daran ee xilligaan jirta ay sii adkeyn karto nolosha Malaayiin reer Sudan ah, kuwaas oo ku nool dhulka miyiga ah iyo gobolka Daarfuur.
“Daraasiin carruur ah ayaa dhimanaya maalin kasta – taasoo ka dhalatay iskahorimaadkan ba’an iyo feejignaan la’aanta caalamiga ah. Waxaan ka hortagi karnaa dhimasho badan, laakiin waxaan u baahanahay lacag si wax looga qabto, helitaanka kuwa u baahan, iyo wax walba oo ka sarreeya, joojinta dagaalka.” Ayaa lagu yiri warbixinta.




From the comments