Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda deegaannadii shalay uu ka dhacay dagaal beeleedka ay saaka ka deggan tahay sidii hore, inkastoo wali ay is hor-fadhiyaan meleeshiyaadkii dagaallamay oo aan lagu guuleysan in la kala qaado.
Shalay dagaalkii dhacay oo aad u xooganaa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 ruux oo labada dhinac ah, halka 50 kale oo labada dhinac ay soo gaareen dhaawacyo kale, kuwaas oo labada dhinac ah, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo halkaasi.
Wararka laga helayo deegaannada miyiga ah ee dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegaya in gurmad ay helayaan dhinacyada dagaallamaya kaas oo uga imaanaya deegaannada ay ka soo kala jeedaan labada beelood ee gobolka Mudug wada dega.




From the comments