Milatariga Israel ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khasaaraha ciidanka ee soo gaaray, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qaza maalintii sabtida, kaas oo sababay dheerida in ka badan 1000 qof oo shacab labada dhinac ah sida laga helayo xarumaha caafimaad.
Bayaan laga soo saaray wasaardda difaaca Israel ayaa sheegay liis Cusub oo ay ku qoran yihiin geerida Magacyada 16 askari oo la dilay,kuwaas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigayso 73 askari, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca oo soo saartay bayaanka.
Hadalka kasoo baxay Israel ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xamaas ay soo bandhigeen sarkaal sare oo ka tirsanaa milatariga, kaas oo magaciisa lagu sheegay Nimrod Aloni kadib iskahorimaadka Gaza ee ku bilowday gantaalaha lagu garaacay Waqooyiga iyo Koonfurta.




From the comments