Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco, halkaas oo sanadkan lagu qabanayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF.
Kahor furitaanka shirka guud, Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdigiisa waxa ay shirar muhiim ah oo horudhac ah la qaateen Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa iyagoo ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka Deyn Cafinta.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixii Imaan Cige iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Antoinette Monsio Sayeh oo ah Agaasime ku xigeenka Guud ee IMF. Waxa ay ka wadahadleen Geedi socodka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo dhammaystirka sharuudaha muhiimka u ah dadaalada Deyn Cafinta.




From the comments