Magaalada Qaza ayaa ka sii socda duqeymaha ay geysanayaaan diyaaradaha dagaalka Israel, waxaana dagaallo iyo duqeymo maalintii afaraad isdhaafsanaya labada dhinac Milatariga Israel iyo Xamaas, xillii ay sii kordhayaan khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah eek u nool magaalada, waxaana gabaabsi ah cuntada biyaha iyo daawada.
Waxaa inta la xaqiijiyay duqeymaha Qasa In ka badan 700 oo ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil,kadib kolkii ay go’doomiyeen deegaanka Gaza oo dadka ku nool ay u baahan yihiin cunto iyo shiidaal, Israel ayaa dhankeeda waxaa ku dhacaya gantaalaha ay tuurayaan Xamaas.
Wasiirka Caafimaadka Falastiin ayaa dalbaday in la la sameeyo waddo nabdoon oo soo gasha Gaza si gargaarka caafimaad loo soo gaarsiiyo cisbitaalada halkaasi oo ay buux dhaafiyeen tiro dad ah oo aad u fara badan,kuwaas oo qaba dhaawacyo kale duwan oo kasoo gaaray duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha Israel oo gantaalada tuuraya.




From the comments