Shucuubta ku nool wadamada reer Galbeedka ayaa muujiyay deereenkooda damqashada leh ee ku aadan dagaalka ka socda magaalada Qaza ee dhulka reer Falastiin, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Israel iyo ururka Xamaas oo dagaal isaga soo horjeeda.
Banaanbaxayaal ayaa isugu soo baxay magaalada London, iyaga oo socod ku maray bannaanka hore ee safaaradda Israel, maalintii Isniinta aheyd, taas oo ka dambeysay, kadib markii guriga Baarlamaanka Uk laga shiday midabyo lagu taageeyay Israel.
Laba midab oo u muuqday cadaan iyo madow ayaa waxaa loo ekeysiiyay calanka Israel ayaa waxaa lagu taageeray duqeymaha ay ka wado gudaha Qasa, taas oo dhalisay in shacabku ay bilaabaan in ay qaataan calanka Falastiin iyaga oo taageero siinaya.




From the comments