Tirada dadka lagu dilay weerarka todobaadkii labaad ka socda Marinka Qasa ayaa gaartay 2,300 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta, waxaana wali socda duqeymaha ay wado Israel ee lagu laayay dadka Rayidka ah.
Guud ahaan, 2,329 oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 9,714 kalena waa la dhaawacay sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka, waxaana Isbitaallada marinka Qasa gabaabsi ka maraya daawooyinka xilli Qaramada Midoobay ay baaq soo saartay.
Todobaad ayaa laga joogaa markii Xamaas ay weerartay Israa’iil halkaas oo ay ku dishay 1,300 oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan askar, waxaana sidoo kale jira maxaabiis ay labada dhinac ay kala qafaasheen intii weerarku ka uu socday.




From the comments