Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane Aadan Barre Ducaale oo safar kusoo gaaray caasimadda Muqdisho.
Aadan Barre ayaa kulan wadatashiyo ah la qaadan doona wasiir Jaamac ku aaddan iskaashiga iyo sidii loo dardargalinta howlgallada Al-shabaab ee deegaannada Jubbaland oo wajigaan ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo heshiis la galay dowladda
Safarka wasiirka difaaca dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu dhowaan ay ku dhawaaqday in howlgallo ka dhan ah Al-shabaab lagu qaadi doono deegaannada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la qorsheeyay in laga qaado wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab.




From the comments