Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya gaar ahaan howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee uu hormuudka ka yahay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Inta uu socdo shirka waxaa lagu soo hadal qaadi doonaa arrimaha siyaasada ee taagan ,waxaana intaas badan xoogga lagu saari doona amniga dalka iyo ciribtirka kooxda Al- Shabaab.
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing iyo ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS ayaa Golaha ammaanka khudbad ka jeedin doona.




From the comments