Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga qeybgalay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco shirka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.
Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal ka jeediyay Shirkaan Agaasimaha Guud ee IMF,Bangiga Adduunkaiyo Wasiirada Maaliyadda dalalka ay saameeyeen Colaadaha iyo Dhaqaalo yarida, shirkaas oo qeyb ka ah kulanka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa hadal jeedintiisaa diirada ku saaray sida Bangiga Adduunka iyo IMF ay uga falcelikaraan taageerada ay u baahan yihiin dalalka uu dhaqaalohoodu saameeyay Colaadaha iyo Masiibooyinka dabiiciga ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay.








From the comments