Roobab xooggan oo ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan habeennimadii xalay ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo dagganaa xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, kaddib markii Webiga Shabeelle uu ku fatahay. Waxaa la soo sheegayaa in ay jirto cabsi laga qabo in fataahaddu ay gaarto xaafada Howlwadaag.
Dadka deggan xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax-Jibis ayaa saqdii dhaxe ee xalay mar qura kusoo toosay guryahooda a oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, kuwaas oo ka yimid Webiga oo biyo baaxad leh soo rogay, xilligaan oo la guda galay waqtiga xilli roobaadka Dayrta.
Fatahaadda wabiga ayaa biyo-dhigtay guryo badan oo ku yaala Magaalada Baledweyne, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan qoysas badan oo ku go’doonsan gudaha magaalada. Waxaa sidoo kale cabsi laga qabaa in roobabka iyo daadadka ay sii kordhi karaan, maadama roobabku ay bilow yihiin bishaan Oktoobar.




From the comments